HORDHACA MAWDUUCA
Sida ciwaanka ka muuqata waxaan bilaabeynaa taxane aan oga hadlayno asalada uu islaamka ku tiirsanyahay Cadayntooda , Asalada islaamka waa sedex:
- Allah – ah fariin diraha islaamka soo dajiyey
- Nabiga (SCW) – oo ah fariisidaha loo doortay arinkan
- Quraanka – oo ah fariintii lasoo diray Mawduuceenu waa in aan cadayno Xaqiiqada mid walba oo usuushaas kamid ah iyo cadaymaha muujinaya
- Cadayn waa wax ku tusinaya Raadka wax kale
- Asal=Waa Salka Ama xididka shayga Haya.
Mawduuceenuna waa sugitaanka ama cadaynta xaqiiqooyinka guud ee Jira si gaar usuusha islaamka.
Hadaan nahay muslimiin ma rabno in aan noqono muqallidiin ama dameer_dhaan_raacday, sheegashada jacaylka Alle ,Rasuulka iyo Quraanka qiimo maleh hadii aanan cadayn karin xaqiiqadooda Waliba si sugan oon Shaki iyo laba labayn aqbalayn. Waxba kuma fadhiyo iimaankeena hadaanan difaacan karin Aaminaadeena & caqiidadeena.!
BARAARUJIN:- Waxaa lay weydiin karaa suaasha ah: “Waxaan aad ka hadleyso waa wax qarsoon(ghayb) misna aan ka qeyb qaadanayn hormarinta dalka ee maxaad cadayntooda ka rabtaa?”
Waxaan Isla ayaga weydiin lahaa suaal kale oo ah ” Waa maxay Ahmiyada ama muhiimada shayga?, Ma dhirirkiisaa? ma balaciisa baa? Maxay tahay muhiimada shayga si uu ka hadlid iyo cadayn u muteysto?”
Waxaa laga yaaabaa inay ku Jawaabaan “Muhiimada shayga waa maxsuusiyadiisa yacni in wax la arki karo uu yahay” Hadii tooda la raaco waxaa imaaneysa in la yiraahdo “. Wax walba oon la arki karin muhiim ma ahan halkaasoo ay badan ku bi’i doonaan
Balse sida saxda ah waa inay ahmiyada shayga tahay waaqicinimadiisa ama aan si kale u dhignee muhiimada shayga waa inuu yahay mid ka jira Garaadkeena Banaankiisa ama hanaga qarsoonaado ama aan aragno haduuba shaygu leeyahay Waaqiciyad ama jiraal ka baxsan garaadkeena waa shay muhim ah.
Balse arinka ah Ilaahay iyo Islaamka waa waxyaabihii ugu hadalhaynta badnaa 10 kii qarni ee lasoo dhaafay taasoo kuu cadeynaysa muhiimadooda.!
ALBAABKA/IRIDA MAWDUUCEENA GUUD
Waa ka jawaabida weydiimaha ugu muhiimsan ee soo foodsaara(waajaha) Caqliga ama garaadka insaanka weydiimahaasoo kala ah:
- Xagee buu ka yimid insaanku?
- Xagee buu joogaa insaanku?
- Xagee buu ku socdaa insaanku?
Suaalahan Waa Suaal uu qof walba isweydiiyo marka uu kansho/firaaq u helo Nafsadiisa ee uu mashquulka kale ka baxo , weydiimahani Biology kama jawaabi karo, oo physics kama jawaabi karo , Xisaabta sidoo kale, Economic, Computer science iwm Waxaa jawaab ka bixin kara Diinta saxda ee Abuuraheena ka timid oo kaliya waayo Sayniska waxaa haga insaanka Su’aalahana hagihii sayniska ayaaba isweydiinaya.
Hadaad diinlaawe tahay ha is oran muxuu diinta meesha u keenay waad ogtahay Anna waan ogahay diin la’aan inaadan waligaa jawaab heleyn Ee ila soco natiijada aan kuu hormariyey Gadaal baan kaaga cadayne.
BOOSASKA LAGA ISTAAGAY WEYDIIMAHAN
- Booska Sugeyaasha: Sugeyaasha mabda’a ama halka insaanka kasoo bilowday( Eebe/Rabbiga)
- Booska Diideyaaaha: Diideyaasha mabda’a (Eebe/Rabbi)=Alle-diidyada
- Booska Shakileyda: moogeyaasha mabda’a(Agnosticis/اللا أدرية)=Eebe-moog
Labada qolo ee hore waa Kooxo Wax rumeysan oo iimaan leh , Eebe wuu jiraa waa Rumayn, Eebo ma jiro waa Rumayn balse qoloda dambe waxba ma rumeysna Xataa insaanka jiritaankiisa ayey qaarkood shaki galiyaan.!
YAA CADAYN LAGA RABAA SEDEXDA QOLO?
- Sugeyaasha: waayo waxay sheegteen rumayn ama aaminaad ah Eebe wuu jiraa.
Aaminaadu waxay u baahantahay cadayn ama aqoon Lagu garto oo qofka gaarsiinaysa inuu Waxaan Qalbigiisa ku Gunto taasoo a aaminaada/caqiidada, waan iska sheegay iyo waan iska aaminay ma soconeyso
2. Diideyaaaha: waayo Rumayn ayey sheegteen Rumayn ama Aaminaad ah Eebe ma jiro.
Markaa aqoon la’aan iyo indho xirnaan uma aysan orane cadayn baa looga fadhiyaa ay ku cadaynayaan aaminaadooda.
Rumayn/Aaminaad: Waa in xukun la saaro shay ama waa in go’aan laga gaaro wax markaas ayey Aaminaadu timaadaa.
Waxaad isweydiinaysaa “Shakileyda ayaga miyaan cadayn looga fadhin?”
Maya ayaga cadayn ama xujo la weydiin maayo sababtoo ah waxba Ma rumeysna Yacni Go’aan kamaba aysan gaarin walxaha aan soo sheegnay Horaana loo yiri “Cadayntu waxay farac ka tahay aaminaada”
Marka hore wax rumee kadibna dadka kale u cadee waxaad rumeysantahay balse adigoon waxba Aaminsanayn Hadaad tiraahdo waxbaan cadeynayaa Si fudud aaminaad ayaad yeelatay hadana Waxaa diidaya aaminaadaas inaad shakiile tahay marka waa isku-meeraysi.!
Haddaba qofka moogaha ah ee waxaad weydiisaba kuleh ma ogi sidee baad cadayn u weydiinaysaa? Mase ka heli doontaa?
Shakiiluhu Waa Qof markaad weydiiso inuu noolyahay iyo in kale ku dhahaya “ma ogi laga yaabee in aan riyoonayo”
Aqoonyahaanadu waxay dhahaan qofkaas waa in la dharbaaxo ama la gubo Ilaa uu ka qirto xanuunka.!
RUMAYNTA WAAQICA/JIRITAANKA WALXAHA
Qof walba oo Raba cadayn/daliil waa inuu rumeeyo waaqica ama jiritaanka walxaha Sababta looga gaabsanayo shakileyda waa inaysan waaqicaba rumeysnayn Ayagana cadayn kuma weydiinayaan adiguna cadayn weydiin maysid waayo Jiritaanka ayeyba ka laba-labeynayaan!
Sababta sidaa loo leeyahay waxay tahay furaha aqoonta insaanka waa rumeynta waaqica hadiiba wax walba lalasoo istaago ma ogi iyo ma rumeysni markaa aqoon ma jirto cadayn in lays weydiiyana waaba Wax Aan soconayn.!
MUHIIMADA RUMAYNTA WAAQICA/JIRAALKA
- Waa in shayga aa rumeynayno uu yahay wax ka baxsan garaadkeena ee uusan ahayn mala awaal/khiyaali aan iska sawiranay uun.
- Waa inuu Garaadkeenu/caqligeenu awoodo garashada iyo haleelida Shaygaas.
Markaa waa laba arin oon kala dhicin:
- Waaqic Jiraal yacni inuu shayga ka jiro meel ka baxsan Garaadkeena.
- Waaqic Garasho: Yacni awooda insaanku uu u leeyahay haleelida ama garashada shaygaas weyaan.
Qofka haduusan rumeysnayn waaqica Jiritaanka iyo waaqica garashada markaa lala hadli maayo waayo xaqiiqooyinka walxaha waa kuwo sugan in aan ogaanana waa arin dhab ah. Sidaas darteed Rumeynta waaqica waa halka ay ka bilaabato cadayn iyo aqoon walba uu insaanka leeyahay.
La soco qeybta xigta………

